HAMBALYO 👏🏾🇸🇴!

Waa Cabdixafiid Salaad Siyaad, Guddoomiyaha  Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee Iftiin Education & Development. Waxaan maanta ku booqday Xafiiska hay’adda ee London.

Waa suuragal dad badan in aysan garaneyn  Cabdixafiid iyo Iftiin ba. Balse hay’addani—oo ah mid samefal—waxay door weyn ku leedahay waxbarashada Galmudug. 

Waa horraantii 2007. Berigaas Galmudug, iyo qeybo badanoo Soomaaliya ah, waxaa ka taagnaa dagaallo, barakacyo iyo maamul la’aan baahsan.

Dhallinyaro Soomaaliyeed, oo deggan Magaalada London, ayaa go’aansaday in ay dadka deegmooyinkii ay ka yimaadeen ka kaalmeeyaan waxbarashada. Waxay aasaaseen hay’adda Waxbarashada iyo Horumarinta ee IFTIIN. Deegaankii ayay dib ugu laabteen, iskuulaad (hoose, dhexe & sare) ayayna ka aasaaseen qaar kamid ah magaalooyinka, degmooyinka iyo meelaha baadiyaha ah. Waxbarashada bilaash ayay ka dhigeen si qofna lacag la’aan uusan tacliinta uga harin.

Muddo 15 sano ah kadib, IFTIIN waxaa ka afkaxay arday kor u dhaafaysa 2,000 (laba kun). Ardaydii Iskuulaadka IFTIIN ka baxay waxay jaamacado ka dhigtaan/dhigteen dalka iyo dibbadiisaba (sida dalal ay ku jiraan Malaysia, Turkey, Kenya, Masar iyo Canada). Sidoo kale, IFTIIN waxay ku guulaystay inay magaalada Cadaado ka hirgeliso Adado Learning Center, SIMAD University, oo ah xarun hoostagta Jaamacadda SIMAD University. Xaruntani waxay ka kaalmeysay ardayda deegaanka inay dhigtaan mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan dalka ayagoo deegaankooda jooga kana kaaftoomaan safarkii waxbarasho ee magaalooyinka kale ay u aadi jireen.

Maanta IFTIIN—iyo Guddomiye Cabdixafiid ba—waxay u dabbaaldegayaan guul cusub. IFTIIN waxay kaalin muhiim ah ka gashay Imtixaanka Shahaadiga Soomaaliya ee sanad dugsiyadeedka 2021-22. Arday ka qalinjebiyay Iskuul ay hay’addu maamusho, oo ku yaal Degmada Camaara, ayaa 10 arday ee dalka ugu sarreeyaa kamid noqday, asagoona KAALINTA 1AAD u galay Galmudug.

IFTIIN kaalin weyn ayay uga jirtaa waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug. Dhallinyaro badan, oo awwood u laheyn waxbarasho, ayay tacliin bilaash ah siiyay, mustaqbalkoodiina badbaadisay. Waan u hambalyeynayaa guusha ay kasoo hoysay imtixaanka qaranka. Sidoo kale, waxaan u hambalyeynayaa qof—iyo urur—walba, oo ka shaqeeya tacliinta dalkeenna.

Ugu dambeyn, hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee kusoo baxay imtixaanka qaranka. Waxaan idiin rajeynayaa mustaqbal ifayo iyo horumar joogta ah. Hambalyo 👏🏾🇸🇴

Qalinkii:
Abdinor Dahir